Posts

Showing posts from June, 2017

Qisada Bilaal Ibnu Rabaax

uu ahaa Bilaal ibnu Ar Rabbaax- Abii Cabdillaahi Al Xabashi, waxaa la sheegaa inuu ku dhashay magaallada Dimashiq, sidoo kale waxaa la yiraahdaa mayee wuxuu ku dhashay Makka Al Mukarramah saddex sano ama ku dhaw kadib dhacdadii loo yaqiinnay Caamul Fiil. Wuxuu ahaa Bilaal ibnu Ar Rabbaax- Abii Cabdillaahi Al Xabashi, waxaa la sheegaa inuu ku dhashay magaallada Dimashiq, sidoo kale waxaa la yiraahdaa mayee wuxuu ku dhashay Makka Al Mukarramah saddex sano ama ku dhaw kadib dhacdadii loo yaqiinnay Caamul Fiil. Bilaal wuxuu addoon adeega u ahaa mid kamid ah sanaaddiidii iyo ugaasyadii Qureesheed, kaasoo la oran jirey Umayah bin Khalaf, oo ka dhashay reerka la yiraahda banii Jumux, kuwaasoo Qureeshta dhanka faalka iyo qurbaanta sanamyada u qaabilsanaa. Wuxuu Bilaal ahaa addoon Xabashi ah, oo madow, kana soo jeeday qaaradda Abasiiniya, isaga iyo hooyadiisba waxay ahaayeen addoomo. Wuxuu raaci jirey ariga abbaankiisa, oo uu mayracin jirey duleedka iyo buuraha Makka...