Su’aalo iyo Jawaabo Ku Saabsan Saxaabada Rasuulka (scw)

Su’aasha 1aad: Waxaad sheegtaa magaca Malaga suurta afuufay oo kamid ah mallaigta?
Jawaabta 1aad: Malaga suurta afuufaya waxaa la yiraahdaa Israa’fiil.

Su’aasha 2aad: Waxaad sheegtaa geedka ka baxa Jahanama bartankeeda?
Jawaabta 2aad: Waxaa la yidhaahdaa Zaquum.

Su’aasha 3aad: Waxaad sheegtaa macnaha magaca Jibriil?
Jawaabta 3aad: Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu Cabaas.

Su’aasha 4aad: Waxaad sheegtaa masaajidka salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?
Jawaabta 4aad: Waa masaajidka Qubaa ee madiina ku yaalo.

Su’aasha 5aad: – Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?
Jawaabta 5aad: maydka xalaasha ahi waa ””Ayaxa iyo Kaluunka.

Su’aasha 6aad: – Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?
Jawaabta 6aad: Dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada.

Su’aasha 7aad: – Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebiga (NNKHA), dagaalkii Uxud?
Jawaabta 7aad: Wuxuu ahaa Ibnu Qimah.

Su’aasha 8aad: Kumuu ahaa yuhuudigii Nebga (NNKHA),sixray?
Jawaabta 8aad: Wuxuu ahaa Lubeyd binu Acsam.

Su’aasha 9aad: – Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii nebiga (NNKHA), dagaalkii Uxud?
Jawaabta: 9aad: – Wuxuu ahaa Cuqba binu abdi waqaas.

Su’aasha 10aad: – Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday?
Jawaabta 10aad: waxay ahayd Nebi Muuse (cs) hooyadii

Su’aasha 11aad: – Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin?
Jawaabta 11aad: Waxaa weeye Magaalada Madina Almunawara.

Su’aasha 12aad: – Waxaad sheegtaa suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo Cumar binu khadab?
Jawaabta 12aad: Waxay ahayd suuradu Daahaa.

Su’aasha 13aad: – Waxaad sheegtaa suurada u shafeeco qaadeysa qofka akhriya?
Jawaabta 13aad: Waa suuratu Mulk (Tabaarak).

Su’aasha 14aad: – Waxaad sheegtaa aayada koobeysa dhamaan xuruufta carabiga?
Jawaabta 14aad: waa aayada u danbeysa suurada Al-fatax.

Su’aalo iyo Jawaabo Ku Saabsan
Saxaabada Rasuulka (scw)

Su’aasha 15aad: – Waxaad sheegtaa Asxaabigii la dilay isaga oon weligii Alle u sujuudin?
Jawaabta 15aad: Wuxuu ahaa Cumar binu Thaabit, wuxuu soo islaamay dagaalkii Uxud waxaana la Dilay isla maalintaas

Su’aasha 16aad: – Waxaad sheegtaa shahiidkii ugu horeeyey Islaamka?
Jawaabta 16aad: Waxay ahayd Sumaya bintu khayaad

Su’aasha 17aad: Waxaad sheegtaa duulaankii (Qaswadii) ugu danbeeyey ee Rasuulku duulo?
Jawaabta 17aad: Waxay ahayd Qaswadii Tabuuk , sanadii 9aad ee Hijrada

Su’aasha 18aad: Waxad sheegtaa Labadii Asxaabi ee Rasuulku ku dabo tukaday?
Jawaabta 18aad: Abuu Bakar as-Sadiiq iyo C/raxamaan binu Cawf

Su’aasha 19aad: Waxaad sheegtaa sanadka islaamka loo yaqaan sanadkii murugada?
Jawaabta 19aad: Waa sanadkii ay dhimatay Khaddiija binti Khuweylad, iyo Abuu daalib.

Su’aasha 20aad: Yaa ugu soo hor islaamay reer Madiina?
Jawaabta 20aad: Waxaa ugu soo hor islaamay Sacad binu Suraara

Su’aasha 21aad: – Jannada yaa ugu hor gelaaya?
Jawaabta 21aad: Waxaa ugu hor gelaaya Nabigeena Muxammed (NNKHA)

Su’aasha 22aad: Waxaa sheegtaa Denbigii ugu horeeyey ee Alle lagu caasiyo?
Jawaabta 22aad: Wuxuu ahaa Kibir uu sheydaan ka kiray inuu sujuudo.

Su’aasha 23aad: Waxaa sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee qof dila aduunka korkiisa?
Jawaabta 23aad: Wuxuu ahaa Qaabiil binu Aadam oo dilay walaalkii Haabiil.

Su’aasha 24aad: Waxaad sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee Qiblada u tukada?
Jawaabta 24aad: Wuxuu aha Asxaabiga la yidhaa Saciid binu Mucaali.

Su’aasha 25aad: Waxaad sheegtaa magaca Asxaabigii Abi saciid Alkhudriyi?
Jawaabta 25aad: Waxaa la odhan jiray Sacad binu maalik binu sinaan (RC).

Su’aasha 26aad: Kumuu ahaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaa dileysa koox xadgudubtay?
Jawaabta 26aad: Wuxuu ahaa Camaar binu-yaasir (RC).

Su’aasha 27aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku dhashay Kabcada badhtankeeda?
Jawaabta 27aad: Wuxuu ahaa Xakiim binu xisaam (RC.

Su’aasha 28aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Malaku Jibriil Alle salaanta uga keenay?
Jawaabta 28aad: Waxay ahayd Khaddiija bintu khuweylad (RC).

Su’aasha 29aad: Waa kuma sayidka shuhadadu?
Jawaabta 29aad: Waa Xamsa binu Cabdi mudalib (RC).

Su’aasha 30aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA) u sheegay inuu Alle jecelyahay?
Jawaabta 30aad: Wuxuu ahaa Miqdaad binu Camar (RC).

Su’aasha 31aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku riyooday Adanka?
Jawaabta 31aad: Cabdullaahi binu Zayid (RC).

Su’aasha 32aad: Waxaad sheegtaa Suuradii Nebigu (NNKHA), yidhi waxaan ka jeclahay Aduunka iyo waxa dhex yaala?
Jawaabta 32aad: Waa Suuratu, Al-Fatax.

Su’aasha 33aad: Noocyada Sadaqada tee ugu fadli badan?
Jawaabta 33aad: Waxaa ugu fadli badan Biyaha oo lays waraabsho.

Su’aasha 34aad: Waxaad sheegtaa magaca faraskii ugu horeeyey ee Rasuulku (NNKHA), ku duulo?
Jawaabta 34aad: Waxaa la odhan jiray Sakab.

Su’aasha 35aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu ka xishoon jirtay?
Jawaabta 35aad: Wuxuu ahaa Cismaan binu Cafaan (RC).

Su’aasha 36aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee lagu aaso Xabaalaha Baqiic?
Jawaabta 36aad: Wuxuu ahaa Cismaan binu Madcuun (RC).

Su’aasha 37aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii geridiisa uu u luxmy Carshiga Alle?
Jawaabta 37aad: Wuxuu ahaa Sacad binu Mucaad Al-ansaariyi (RC)

Su’aasha 38aad: Waxaad sheegtaa Sir-hayihii (xog-hayihii), Nebiga (NNKHA)?
Jawaabta 38aad: Waxaa la odhan jiray Xudeyfa binu-yabaan (RC).

Su’aasha 39aad: – Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yidhi Bismilaah ee aan waxba ku noqon?
Jawaabta 39aad: Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid(RC).

Su’aasha 40aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder?
Jawaabta 40aad: Wuxuu ahaa Abu-cubeyda Caamir Binu jaraax.

Su’aasha 41aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal?
Jawaabta 41aad: Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws.

Su’aasha 42aad: Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu-hureyra?
Jawaabta 42aad: Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC).

Su’aasha 43aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abi-ayuub Al-ansaariyi?
Jawaabta 43aad: Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid (RC).

Su’aasha 44aad: Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abi-dar Al-qafaariyi?
Jawaabta 44aad: Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC).

Su’aasha 45aad Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?
Jawaabta 45aad: Waxaa uu ahaa Sacad binu Abi-waqaas (RC).

Su’aasha 46aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay?
Jawaabta 46aad: Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith (RC).

Su’aasha 47aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen?
Jawaabta 47aad: Waa Sacad bin Mucaad (RC).

Su’aasha 48aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu soo bookhan jirtay?
Jawaabta 48aad: Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen (RC).

Su’aasha 49aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulku(SCW), ku kafnay khamiiskiisii?
Jawaabta 49aad: Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu-abi Daalib hooyadii) (RC).

Su’aasha 50aad: Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebigu (NNKHA), yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego?
Jawaabta 50aad: Wuxuu ahaa Nabtal binu Acsam.

Su’aasha 51aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abi Bakar as-Saddiiq?
Jawaabta 51aad: C/laahi binu Qaxaafa .

Su’aasha 52aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abu-jahal?
Jawaabta 52aad: Waxaa la odhan jiray Camar Binu Hishaam.

Su’aasha 53aad: Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu horeeyey?
Jawaabta 53aad: Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka.

Su’aasha 54aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee u hijrooda Ardul-xabash?
Jawaabta 54aad: Cuthmaan bin Cafaan R.C.

Su’aasha 55aad: Waxaad sheegtaa waxa ugu horeeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama?
Jawaabta 55aad: Waa Salaadda.

Su’aasha 56aad: Waxaad sheegta qofka ugu horeeya ee Darka(xawdka), Nebiga ka cabaaya?
Jawaabta 56aad: Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC).

Su’aasha 57aad: Naarta yaa ugu hor gelaya qiyaamaha?
Jawaabta 57aad: Waxaa ugu hor gelaaya Suldaan, Madaxweyne aan cadaalad sameyn.

Su’aasha 58aad: Waxaad sheegtaa ninka keliya ee Nebigu (NNKHA), gacantiisa ku dilay?
Jawaabta 58aad: Waa Ubaya bin Khalaf .

Su’aasha 59aad: Waxaa sheegtaa Saxaabigii Rasuulka (SC) sirtiisa ahaa?
Jawaabta 59aad: Waxuu ahaa Xudeyfah ibnu al-Yamaan (حذيفه).

Su’aasha 60aad: Waxaa sheegtaa Saxaabigii arkay Masiixuddajaal waqtigii Nabiga (SCW)?
Jawaabta 60aad: Waxuu ahaa Tamiimuddaari (تميم الدار).

Su’aasha 61aad: Waxaa sheegtaa salaada aan lahayn rukuucda iyo sujuuda?
Jawaabta 61aad: Waa salaada janaasada

Su’aasha 62aad: Waxaa sheegta nabigii ugu dambeyay reer banii israa’iil
Jawaabta 62aad: Waa Nabiyullaahi Ciisa (cs)

Su’aasha 63aad: Laba Nabi oo walaalo ah isku mar dhintay.
Jawaabta 63aad: Waa nabi Muuse iyo nabi Haaruun (cs)

Su’aasha 64aad: Waxaa sheegta Cuthmaan Binu Cafaan naanaystiisii (RC)?
Jawaabta 64aad: Waxa uu ahaa (Dii’Nuurayn)

Su’aasha 65aad: Sheeg samada labaad magaceeda?
Jawaabta 65aad: Waxa la dhaha (Macuun).

Comments

Popular posts from this blog

Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon guud

Qisada Bilaal Ibnu Rabaax